Friday, January 22, 2010

Bal eeg, albaabkaan taaganahay oo garaacayaa; haddaba haddii nin codkayga maqlo oo albaabka iga furo, waan u soo gelayaa, oo waan la cashayn, Rev 3:20



Joh 15:1 Anigu waxaan ahay geedka canabka ah oo runta ah; Aabbahayna waa beerfalaha.
Joh 15:2 laan walba oo igu taal oo aan midho dhalin, wuu gooyaa, oo mid kasta oo midho dhasha ayuu nadiifiyaa si ay midho ka sii badan u dhasho.
Joh 15:3 Durba waad nadiifsan tihiin hadalkaan idinkula hadlay daraaddiis.
Joh 15:4 Igu jira, anna aan idinku jiree. Sida laantu keligeed aanay midho u dhali karin haddaanay geedka canabka ah ku oollin, sidaas oo kale idinkuna ma dhali kartaan haddaydnaan igu jirin.
Joh 15:5 Anaa ah geedka canabka ah, idinna waxaad tihiin laamihii. Kii igu jira oo anna aan ku jiro, kaasaa midho badan dhala, maxaa yeelay, la'aantay waxba ma samayn kartaan.
Joh 15:6 Qof uun hadduusan igu jirin waxaa loo tuuraa sida laan oo kale, waana qallalaa, markaasaa la ururiyaa, oo dabka lagu tuuraa, oo la gubaa.
Joh 15:7 Haddaad igu jirtaan. oo ay erayadayduna idinku jiraan, weydiista waxaad doonaysaanba, waana laydiin yeeli doonaa.
Joh 15:8 Waxaa Aabbahay ku ammaanmaa inaad midho badan dhashaan, waxaadna noqon doontaan xertayda.
Joh 15:9 Siduu Aabbuhu ii jeclaaday, ayaan anna idiin jeclaaday. Jacaylkayga ku sii jira.
Joh 15:10 Haddaad qaynuunnadayda xajisaan, jacaylkaygaad ku jiri doontaan, sidaan qaynuunnada Aabbahay u xajiyey, oo aan jacaylkiisa ugu Jiro.
Joh 15:11 Waxaan waxyaalahaas idiinkula hadlay in farxaddaydu idinku jirto, iyo inay farxaddiinnu buuxsanto.
Joh 15:12 Kanu waa qaynuunkayga inaad isjeclaataan sidaan idiin jeclaaday.
Joh 15:13 Ninna ma leh jacayl kan ka weyn inuu nin naftiisa u bixiyo saaxiibbadiis.
Joh 15:14 Saaxiibbaday baad tihiin haddaad yeeshaan waxaan idinku amro.
Joh 15:15 Mar dambe addoommo idiinku yeedhi maayo, maxaa yeelay, addoonku garan maayo wuxuu sayidkiisu sameeyo, laakiin saaxiibbo waan idiinku yeedhay, maxaa yeelay, waxaan Aabbahay ka soo maqlay oo dhan ayaan idin ogeysiiyey.
Joh 15:16 Idinku ima aydnaan dooran, laakiinse anaa idin doortay, waanan idiin diray inaad tagtaan oo midho soo dhashaan, iyo in midhihiinnu sii jiraan, in wax alla waxaad Aabbaha magacayga ku weydiisataan uu idin siiyo.
Joh 15:17 Waxyaalahaas ayaan idiinku amray inaad isjeclaataan.
Joh 15:18 Dunidu hadday idin nebcaato. waad garanaysaan inay hortiin i nebcaatay.
Joh 15:19 Haddaad kuwa dunida ahaan lahaydeen, dunidu kuweeda way jeclaan lahayd, laakiin kuwa dunida ma ihidin, waanse idinka doortay dunida, taas aawadeed dunidu way idin neceb tahay.
Joh 15:20 Xusuusta hadalkaan idinku idhi, Addoon kama weyna sayidkiisa. Hadday i silciyeen, idinkana way idin silcin doonaan. Hadday hadalkayga xajiyeen, kiinnana way xajin doonaan.
Joh 15:21 laakiin waxyaalahaas oo dhan waxay idiinku samayn doonaan magacayga aawadii, maxaa yeelay, waxaanay garanayn kii i soo diray.
Joh 15:22 Haddaanan iman oo aanan la hadlin, dembi ma ay lahaadeen, laakiin hadda dembigooda marmarsiinyo uma haystaan.
Joh 15:23 Kii i neceb. waxaa kaluu neceb yahay Aabbahay.
Joh 15:24 Haddaanan dhexdooda ku samayn shuqullada aan nin kale samayn, dembi ma ay lahaadeen, haddase aniga iyo Aabbahayba way na arkeen oo na nebcaadeen.
Joh 15:25 laakiin sidaas waxay u noqotay inuu dhammaado hadalka sharcigooda ku qorani, Way ii nebcaadeen sabab la'aan.
Joh 15:26 laakiin markuu yimaado Gargaaraha oo aan xagga Aabbaha ka soo diri doono, isagoo ah Ruuxa runta oo xagga Aabbaha ka soo baxa, ayuu ii marag furi doonaa.
Joh 15:27 Idinkuna waad marag furi doontaan, waayo, tan iyo bilowgii waad ila jirteen.