Thursday, March 18, 2010

Dhiiga Jesus ayaa laigu soo furtay.

Oo waxay ku gabyeen gabay cusub iyagoo leh, Adigu waxaad istaahishaa inaad kitaabka qaadato oo aad shaabadihiisa furto; waayo, waa lagu gowracay, oo waxaad Ilaah dhiiggaaga ugu soo iibisay dad ah qabiil kasta iyo af kasta iyo dad kasta iyo quruun kasta,
oo waxaad iyagii ka dhigtay inay Ilaaheenna u ahaadaan boqortooyo iyo wadaaddo; oo iyana dhulka ayay wax ku xukumi doonaan.Rev 5:9-10

Isagu nafsaddiisuu u bixiyey aawadeen, inuu dembi oo dhan inaga furto oo uu inaga dhigto dad daahirsan oo uu isagu leeyahay oo ku dadaalaya shuqullo wanaagsan.Tit 2:14
Anigu waxaan iyaga ka soo furan doonaa xoogga She'oolka, oo waxaan ka soo badbaadin doonaa dhimashada. Dhimashoy, meeye belaayooyinkaagii? She'oolow, meeday baabbi'intaadii? Toobaddu indhahayga way ka qarsoonaan doontaa.Hos 13:14
Oo waxaan kaa samato bixin doonaa gacanta sharrowyada, waanan kaa badbaadin doonaa gacanta kuwa laga cabsado. Jer 15:21

Maxaa yeelay, bixin keliya ayuu kaamil kaga dhigay weligood kuwa qoduus laga dhigay.
Oo taas Ruuxa Qoduuska ahuna markhaati ahaan buu noogu sheegaa, waayo, kolkuu yidhi,
Kanu waa axdiga aan la dhigan doono iyaga Maalmahaas dabadood. ayaa Rabbigu leeyahay; Qaynuunnadayda waxaan gelin doonaa qalbigooda, Maankoodana waan ku qori doonaa; markaasuu wuxuu ku daray;
Oo dembiyadooda iyo xadgudubyadoodana mar dambe ma xusuusan doono.
Markii waxyaalahan la cafiyo, wax dambe oo dembi loo bixiyaa ma jiro.
Taas daraaddeed, walaalayaalow, waxaynu haysannaa dhiiranaan inaynu meesha qoduuska ah ku galno dhiigga Ciise,Heb 10:14-19

oo lagu doortay aqoontii Ilaaha Aabbaha ahu hore u sii ogaa, oo qoduus lagaga dhigay Ruuxa, xagga addeecidda iyo rushaynta dhiiggii Ciise Masiix. Nimco iyo nabadu ha idiin bateen.1Pe 1:2

Gal 4:1 laakiin waxaan leeyahay, Inta midka dhaxalka lahu ilmo yar yahay, waxba kama duwana addoon in kastuu yahay sayidka wax walba,

1Jn 1:7 laakiin haddaynu nuurka ku soconno siduu isaguba nuurka ugu jiro, wehelnimo ayaynu isla wada wadaagnaa, oo dhiigga Ciise, oo Wiilkiisa ah, wuxuu inaga nadiifiyaa dembi oo dhan.

iyo xagga Ciise Masiix oo ah markhaatiga aaminka ah, iyo curadka kuwii dhintay, iyo amiirka boqorrada dhulka. Kan ina jecel oo dembiyadeenna dhiiggiisa inagaga furay,Rev 1:5

iyo inuu isaga wax kastaba xaggiisa kula heshiiyo, isagoo kula nabday dhiigga iskutallaabtiisa; hadday yihiin waxyaalaha dhulka jooga ama hadday yihiin waxyaalaha samooyinka ku jiraba.Col 1:20

Sida doonistaasu tahay, waxaa qoduus laynagaga dhigay bixinta jidhka Ciise Masiix oo mar keliya la bixiyey.
Wadaad waluba maalin kastuu istaagaa isagoo adeegaya oo marar badan bixinaya allabaryo isku mid ah, kuwa aan marnaba dembiyo qaadi karin,
laakiin isagu kolkuu allabari keliya mar keliya dembiyo u bixiyey ayuu fadhiistay midigta Ilaah;
isagoo markaas dabadeed sugaya ilaa cadaawayaashiisa cagihiisa hoostooda la geliyo.Heb 10:10-13