Wednesday, February 3, 2010

Do you Really know who Jesus is?

Markaasaa Muuse wuxuu Ilaah ku yidhi, Bal eeg. markii aan u tago reer binu Israa'iil, oo aan ku idhaahdo iyaga. Ilaahii awowayaashiin baa ii soo kiin diray, oo iyana waxay igu odhan doonaan, De magiciisa maxaa la yidhaahdaa? haddaba maxaan ku odhan doonaa?
Markaasaa Ilaah wuxuu Muuse ku yidhi, ANIGU WAXAAN AHAY KAAN AHAY; oo weliba wuxuu ku yidhi, Waxaad ku odhan doontaa reer binu Israa'iil, WAAN AHAY baa ii soo kiin diray.
Oo Ilaah weliba wuxuu kaloo Muuse ku yidhi. Waxaad ku tidhaahdaa reer binu Israa'iil. Rabbiga ah Ilaahii awowayaashiin, oo ah Ilaahii Ibraahim, iyo Ilaahii Isxaaq, iyo Ilaahii Yacquub ayaa ii soo kiin diray; kanu waa magacayga weligay, oo laygu xusuusto ka ab ka ab.
Baltag, oo isu soo ururi waayeellada reer binu Israa'iil, oo waxaad ku tidhaahdaa, Rabbiga ah Ilaahii awowayaashiin, oo ah Ilaahii Ibraahim, iyo Ilaahii Isxaaq, iyo Ilaahii Yacquub ayaa ii muuqday, isagoo leh, Hubaal waan idin soo booqday, oo waan arkay waxa laydinku sameeyey Masar dhexdeeda,Exo 3:13-16

Ciise wuxuu ku yidhi, Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Intaan Ibraahim jirin anaa ah.
Markaasay dhagaxyo u gurteen inay ku tuuraan, laakiin Ciise waa dhuuntay, wuuna ka baxay macbudka.