Wednesday, February 3, 2010

Psa 23:1 Rabbigu waa adhijirka i jira; waxba u baahan maayo.


Psa 23:1 Rabbigu waa adhijirka i jira; waxba u baahan maayo.
Psa 23:2 WUXUU i fadhiisiiyaa doog qoyan dhexdiis, Oo wuxuu ii hoggaamiyaa biyaha deggan dhinacooda.
Psa 23:3 Naftayda wuu soo celiyaa. Oo magiciisa aawadiis wuxuu igu hor kacaa waddooyinka xaqnimada.
Psa 23:4 In kastoo aan ku dhex socdo dooxada hooska dhimashada, Sharna ka baqi maayo, waayo, waad ila jirtaa, Ushaada iyo hangoolkaaga ayaa ii raaxeeya.
Psa 23:5 Cadaawayaashayda hortooda waxaad iigu diyaarisaa miis, Oo saliid baad madaxayga ku subagtaa, koobkayguna waa buux dhaafaa.
Psa 23:6 Hubaal cimrigayga oo dhan waxaa i raaci doona wanaag iyo naxariis, Oo weligay guriga Rabbiga ayaan degganaan doonaa.