Thursday, February 11, 2010

Rabbigu waa caawiyaheyga.

Buurahaan indhahayga ku taagi doonaa, Caawimaaddaydu xaggee bay ka iman doontaa?
Caawimaaddaydu waxay ka timaadaa Rabbiga sameeyey samada iyo dhulka.
sagu uma oggolaan doono in cagtaada la dhaqaajiyo, Kan ku dhawraa ma gam'i doono.
Bal eeg, kan reer binu Israa'iil dhawraa Ma gam'i doono, mana seexan doono.
Kan ku dhawraa waa Rabbiga, Rabbigu waa hooskaaga midigtaada taagan.
Qorraxdu maalinta waxba kuma yeeli doonto, Habeenkana dayaxu waxba kuma yeeli doono.
Rabbiga ayaa kaa dhawri doona shar kasta, Isagu wuxuu dhawri doonaa naftaada.
Hadda intii ka bilaabata iyo tan iyo weligeedba Rabbigu wuxuu dhawri doonaa bixiddaada iyo soo geliddaadaba. Psa 121

Sidaas daraaddeed haddii qof Masiix ku jiro waa abuur cusub, oo waxyaalihii hore way idlaadeen, bal eega, wax waliba way usboonaadeen e.
laakiin wax waliba waa xagga Ilaah kan inagula heshiiyey Masiix, oo na siiyey adeegidda heshiisnimada,
taas waxa weeye, Ilaah duniduu Masiix kula heshiiyey, isagoo aan dembiyadooda ku xisaabaynin, oo noo dhiibay hadalka heshiisnimada. Wacdinta heshiisiiska
Sidaa daraaddeed ergo ayaannu u nahay Masiix aawadiis, sidii Ilaah oo idinka baryaya xaggayaga, Masiix aawadiis waxaannu idinku baraynaa, Ilaah la heshiiya.
Wuxuu isaga oo aan dembi aqoonin ka dhigay inuu dembi noqdo aawadeen, inaynu noqonno xaqnimada Ilaah ee ku jirta isaga. 2Co 5:17-21

Waayo, hadalka Ilaah wuu nool yahay, waana shaqeeyaa, oo waa ka af badan yahay seef kasta oo laba af leh, isagoo ka dhex dusaya ilaa kala soocniinta nafta iyo ruuxa, iyo xubnaha iyo dhuuxaba, waana kala gartaa fikirrada iyo waxyaalaha qalbiga ku jira.
Oo uun aan hortiisa ka muuqani ma jiro, laakiin wax waliba way qaawan yihiin oo bannaan yihiin indhihiisa hortooda, kan aynu ku tirsan nahay.
Haddaba innagoo leh wadaad sare oo weyn, kan samooyinka sii dhex maray, kaas oo ah Ciisoo Wiilka Ilaah ah, aynu qirashadeenna xajinno.
Waayo, ma aynu lihin wadaad sare oo aan itaaldarradeenna ka nixi karin, laakiin waxaynu leennahay mid si walba loo jirrabay sideenna oo kale, oo aan weliba dembi lahayn.
Haddaba aynu carshiga nimcada dhiiranaan ugu soo dhowaanno si aynu naxariis u qaadanno oo aynu u helno nimco ina caawisa wakhtiga baahida. Heb 4:12-16