Monday, February 8, 2010

He that dwelleth in the secret place of the most High shall abide under the shadow of the Almighty

Psa 91:1 Kan dega Ilaaha ugu sarreeya meeshiisa qarsoon Wuxuu joogi doonaa hooska Qaadirka.
Psa 91:2 Waxaan Rabbiga ka odhan doonaa, Isagu waa magangalkayga iyo qalcaddayda Oo waa Ilaahayga aan isku halleeyo.
Psa 91:3 Waayo, wuxuu kaa samato bixin doonaa dabinka ugaadhsadaha, Iyo belaayada aad u xun.
Psa 91:4 Oo WUXUU kugu dedi doonaa baalashiisa, Oo waxaad magan geli doontaa baadadkiisa, Runtiisuna waxay tahay gaashaan iyo gabbaad.
Psa 91:5 Waa inaanad ka cabsan naxdinta habeennimada, Iyo fallaadha dharaarnimada duulaysa toona,
Psa 91:6 Ama belaayada gudcurka ku socota, Iyo halligaadda duhurka wax baabbi'isa.
Psa 91:7 Dhinacaaga waxaa ku dhici doona kun, Midigtaadana waxaa ku ag dhici doona toban kun, Innabase kuuma soo dhowaan doonto.
Psa 91:8 Laakiinse indhaha uun baad ku fiirin doontaa, Oo waxaad arki doontaa kuwa sharka leh abaalgudkooda.
Psa 91:9 Waayo, waxaad tidhi, Rabbigu waa magangalkayga, Oo Kan ugu sarreeya ayaa degmadayda ah.
Psa 91:10 Shar kuguma dhici doono, Belaayona teendhadaada uma soo dhowaan doonto.
Psa 91:11 Waayo, isagu wuxuu malaa'igihiisa ku amri doonaa Inay jidadkaaga oo dhan kugu ilaaliyaan.
Psa 91:12 Oo iyaguna gacmahooday sare kuugu qaban doonaan Inaanay cagtaadu dhagax ku dhicin.
Psa 91:13 Libaaxa iyo jilbiska ayaad ku joogsan doontaa, Oo waxaad ku tuman doontaa aaran libaax iyo abeesada.
Psa 91:14 Rabbigu wuxuu yidhi, Isagu aad buu ii jeclaaday, oo sidaas daraaddeed ayaan u samato bixin doonaa, Meel sare ayaan ku fadhiisiin doonaa, maxaa yeelay, magacayguu yiqiin.
Psa 91:15 Wuu i baryi doonaa, oo waan u jawaabi doonaa, Oo markuu dhibaataysan yahay, waan la jiri doonaa, Oo waan samato bixin doonaa, waanan murwayn doonaa.
Psa 91:16 Cimri dheer ayaan ka dhergin doonaa, Oo waxaan tusi doonaa badbaadintayda.