Monday, February 8, 2010

The Word was God


Joh 1:1 Bilowgii waxaa jiray Hadalka, Hadalkuna wuxuu la jiray llaah, Hadalkuna wuxuu ahaa llaah.
Joh 1:2 Isagu llaah buu la jiray bilowgii.
Joh 1:3 Wax walba waxaa laga sameeyey xaggiisa, oo wixii la sameeyey lama samayn isaga la'aantiis.
Joh 1:4 Isaga waxaa ku jirtay nolol, noloshuna waxay ahayd nuurka dadka.
Joh 1:5 Nuurkuna wuxuu ka ifayaa gudcurka, gudcurkuna kama badin.
Joh 1:6 Waxaa jiray nin xagga llaah laga soo diray, magiciisuna wuxuu ahaa Yooxanaa.
Joh 1:7 Isagu wuxuu u yimid markhaati furid, inuu u marag furo nuurka, inay dhammaan xaggiisa ka wada rumaystaan.
Joh 1:8 Isagu nuurka ma uu ahayn, laakiin wuxuu u yimid inuu nuurka u marag furo.
Joh 1:9 Kaasu wuxuu ahaa nuurka runta ah oo iftiimiya nin walba oo dunida yimaada.
Joh 1:10 Wuxuu ku jiray dunida. dunidana waxaa laga sameeyey xaggiisa, oo duniduna ma ay garanayn isaga.
Joh 1:11 Wuxuu u yimid kuwiisii, kuwiisiina ma ay aqbalin isaga.
Joh 1:12 laakiin in alla intii aqbashay, wuxuu siiyey amar ay carruurtii llaah ku noqdaan, kuwaasu waa kuwii magiciisa rumaystay,
Joh 1:13 Oo aan ka dhalan dhiigga, ama doonistii jidhka, ama dad doonistiis, laakihl waxay ka dhasheen llaah.
Joh 1:14 Hadalkuna jidh buu noqday, oo waa ina dhex joogay, oo waxaannu aragnay ammaantiisii, taas oo ahayd ammaantii u ekayd tan Wiilka keliya ee Aabbaha, ee nimco iyo run ka buuxa.
Joh 1:15 Yooxanaa waa u marag furay isaga, wuxuuna ku qayliyey oo yidhi, Kanu waa kii aan idhi, Kan iga daba imanayaa waa iga horreeyey, waayo, hortay buu jiray.
Joh 1:16 Dhammaanteen waxaynu buuxnaantiisa ka helnay nimco ka nimco.
Joh 1:17 Waayo, sharciga waxaa loo soo dhiibay Muuse, laakiinse nimcada iyo runtu waxay ku yimaadeen Ciise Masiix.
Joh 1:18 Ninna ma arkin Ilaah marnaba, Wiilka keliya oo laabta Aabbaha ku jira kaasaa inoo sheegay.
Joh 1:19 Kanu waa maraggii Yooxanaa furay, markii Yuhuuddu Yeruusaalem uga soo direen wadaaddo iyo kuwo reer Laawi ah inay weydiiyaan oo ku yidhaahdaan. Yaad tahay?
Joh 1:20 Isagu waa qirtay, mana uu inkirin, oo wuxuu qirtay oo yidhi, Anigu ma ihi Masiixa.
Joh 1:21 Markaasay weydiiyeen, Haddaba yaad tahay? Ma Eliyaas baad tahay? Wuxuuna yidhi, Ma ihi. Ma nebigii baad tahay? Wuxuuna ku jawaabay, Maya.
Joh 1:22 Waxay haddaba ku yidhaahdeen, Yaad tahay? si aannu jawaab ugu celinno kuwii na soo diray. Yaad isku sheegaysaa?
Joh 1:23 Wuxuu yidhi, Waxaan ahay codka kan cidlada kaga qaylinaya, Jidka Rabbiga toosiya, siduu nebi Isayos u yidhi.
Joh 1:24 Kuwa la soo diray waxay ka yimaadeen Farrisiinta.
Joh 1:25 Markaasay weydiiyeen oo ku yidhaahdeen, Haddaba maxaad dadka u baabtiistaa haddaanad ahayn Masiixa ama Eliyaas ama nebigii?
Joh 1:26 Yooxanaa wuxuu ugu jawaabay oo ku yidhi, Anigu waxaan dadka ku baabtiisaa biyo. Iaakiin dhexdiinna waxaa jooga mid aydnaan Garanaynin
Joh 1:27 oo ah kan iga daba imanaya, kan aanan istaahilin inaan yeelmaha kabtiisa furo.
Joh 1:28 Waxyaalahaasu waxay ka dhaceen Beytaniya taas oo ku taal Webi Urdun shishadiisa, oo ahayd meeshii Yooxanaa dadka ku baabtiisayay.
Joh 1:29 Maalintii labaad Yooxanaa wuxuu arkay Ciise oo ku soo socda, oo wuxuu yidhi, Bal eega Wanka llaah ee dembiga dunida qaadaya.
Joh 1:30 Kanu waa kii aan idhi, Waxaa iga daba imanaya nin iga horreeyey waayo, hortay buu jiray.
Joh 1:31 Anigu ma aan aqoonin isaga, laakiin inuu Israa iil u soo muuqdo sidaa daraaddeed ayaan u imid anigoo dadka biyo ku baabtiisa.
Joh 1:32 Yooxanaa waa marag furay isagoo leh, Waxaan arkay Ruuxa oo samada uga soo degaya sidii qoolley oo kale, wuuna dul joogsaday isagii.
Joh 1:33 Anigu ma aan aqoonin isaga, laakiin kii ii soo diray inaan dadka biyo ku baabtiiso, wuxuu igu yidhi, Kii aad ku aragtid Ruuxa oo ku soo degaya oo ku dul joogsanaya, kaasu waa kan dadka ku baabtiisa Ruuxa Qoduuska ah.
Joh 1:34 Anigu waan arkay, waana u marag furay in kanu yahay Wiilka llaah.
Joh 1:35 Mar kale maalintii dambe Yooxanaa waa taagnaa isaga iyo laba xertiisa ahayd.
Joh 1:36 Oo wuxuu arkay Ciise oo socda, markaasuu yidhi, Bal eega Wanka llaah.
Joh 1:37 labadii xerta ahaydna way maqleen isagoo hadlaya, wayna raaceen Ciise.
Joh 1:38 Markaasaa Ciise soo jeestay, waana arkay iyagoo raacaya, kolkaasuu ku yidhi, Maxaad doonaysaan'? Waxay ku yidhaahdeen, Rabbi (waxaa lagu fasiraa Macallin), Xaggee baad deggan tahay?
Joh 1:39 Wuxuu ku yidhi, Kaalaya oo arka, Markaasay yimaadeen oo arkeen meeshuu degganaa, wayna la joogeen maalintaas. Goortaas waxay ahayd abbaaraha saacaddii tobnaad.
Joh 1:40 Mid ka mid ah labadii maqashay Yooxanaa oo raacday, wuxuu ahaa Andros, Simoon Butros walaalkiis.
Joh 1:41 Isagu wuxuu hortii doonay walaalkiis Simoon oo ku yidhi, Waannu helnay Masiixa (kan lagu fasiro Kristooska).
Joh 1:42 Markaasuu wuxuu u geeyey Ciise. Ciisena intuu eegay ayuu wuxuu ku yidhi. Adigu waxaad tahay Simooll ina Yoonis. Waxaa lagu odhan doonaa Keeyfa (oo fasirkiisu yahay Butros).
Joh 1:43 Maalintii labaad wuxuu doonayay inuu Galili tago, oo wuxuu helay Filibos. Ciisena wuxuu ku yidhi, I soo raac.
Joh 1:44 Filibos wuxuu ahaa reer Beytsayda taas oo ah magaaladii Andros iyo Butros.
Joh 1:45 Markaasaa Filibos wuxuu doonay Nataana el oo ku yidhi, Waxaannu helnay kii Muuse sharciga ku qoray wax isaga ku saabsan. oo nebiyadiina ay qoreen wax isaga ku saabsan, waana Ciisihii reer Naasaret oo ah ina Yuusuf.
Joh 1:46 Nataanael wuxuu ku yidhi. Ma wax wanaagsan baa ka iman kara Naasaret? Markaasaa Filibos wuxuu ku vidhi. Kaalay oo arag.
Joh 1:47 Ciise wuxuu arkay Nataana el oo ku soo socda. oo wuxuu ku yidhi, Bal eeg. kanu waa mid reer Israa iil oo run ah oo aan khiyaano lahayn.
Joh 1:48 Markaasaa Nataana el wuxuu ku yidhi. Xaggee baad igu tiqiin? Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi. Intaall Filibos kuu yeedhin, markaad geedkii berdaha hoostiisa joogtay, ayaan ku arkay.
Joh 1:49 Kolkaasaa Nataana el u jawaabay oo ku yidhi, Macallimow, waxaad tahay Wiilka llaah, oo waxaad tahay boqorkii Israa iil.
Joh 1:50 Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Ma waxaad u rumaysatay odhaatinkii aan kugu idhi. Geedka berdaha hoostiisa ayaan kugu arkay'? Waxaad arki doontaa wax waxyaalahaas ka waaweyn.
Joh 1:51 Mar kaasuu ku yidhi, Runtii. runtii. waxaan idinku ieeyahay, Waxaad arki doontaan samadoo furall iyo malaa igaha llaah oo kor u kacaya oo ku soo degaya Wiilka Aadanaha.